Dhaqaalaha Ururka


Ururku waxa uu leeyahay sanad miisaaniyadeed u dhaxeysa $(15,000-20,000 Dolar sanadkii).Taas oo lagu fuliyo mashaariicda kala duwan ee ururku gacanta ku hayo sida Waxbarshada, Ladagaalanka saboolnimada, Shaqo- abuurista, Tababarada Xirfadaha kala duwan. Dhaqaalaha ururku waxa uu ka kala yimaada ama ka helaa sadexdan qeybood. ( Local Membership Contribution )Tabarucaad si joogta ah ay u soo bixiyaan xubnaha ururka ee dalka gudihiisa jooga oo gaadhaya ilaa hadda inta bixisa 63 qof. ( Diaspora Membership Contribution ) Tabarucaad balaadhan oo aanu ka helo xubnaha ururka ee qurbaha jooga oo si joogto ah u soo dira dhaqaalaha ugu badan ee lagu wado howlaha ururka. Wadamada UK, UAE, Scandinavians, Saudi Arabia, Holland and North American. Fariin Guud:- Qofkasta oo hela fariintan waxaanu ku boorineynaa in uu gacan dhaqaale iyo mid arinba uu ka geysto hirgalinta iyo sii joogteynta mashaariicdan tabarucaad ee ururku gacanta ku hayo . Ogsoonaadana in waxyar oo adiga agtaada ku yari uu wax weyn u tarayo walaalkaaga baahan ee saboolka ah ama xiskiisuba aanu dhameyn.