Samafalka


Ururku waxa uu deeqo samafel gaadhsiiyey qoysas badan oo danyar ah oo dagen magaalooyinka Hargeisa ,Booroma., Qoysaska ilaa hada deeqahaasi la gaadhsiiyey ee ururka u diiwaan gashani waa 311 qoys oo saboola Deeqda Sakaatul fidrida oo si joogto ah sanad walba bisha rabadaan loo siiyo qoyskasta Saboolka ah raashino gaadhaya 50$ qoyskiiba. Deeqda Odxiyada oo si joogto ah sanad walba loo gudoonsiiyo qoysaska danyarta ah Adhi gaadhaya 100-150 Neef oo aanu kawaanka ugu soo Gawracno (Dabaaxad). Deeqo Lacageed oo so joogto aheyn aanu mar mar ugu deeqno qoysaskaa danyarta ah si ay ugu daboolaan baahiyahooda kala duwan 25$ ilaa 50$ qoyskiiba.