Shaqo Abuuris


Ururku waxa uu gacanta ku hayaa mashaariic shaqo abuuris oo uu ugu talo galey in ay qoysaska saboolka ahi ku kabana nolol maalmoodkooda, isagoo Amaahiyey $300-$600 Dollar si ay isaga soo celiyaan lacagtaas hadba qadar yar oo aan iyagana culeys ku aheyn. Ururku fulinta mashruucan waxa uu u sameeyey heshiis laba dhinac ah oo koobsanaya shuruudo. Ilaa hada ururku waxa uu fuliyey 17 qoys oo uu u kabey qaarna u sameyey ganacsiyo yar yar sida Tukaamo yaryar, dhuxule, iyo shaarshaari.